|

Dastuurkaas “Qabyada” ah oo ka kooban 179 qodob, kuna qoran Af-Soomaali iyo Af-Ingiriisi. Waxana qormada Af-Soomaaligu ka kooban tahay 69 bog. Sidaas daraadeed waa Dastuur u baahan in si xeel dheer ay u eegaan, ugana baaraan degaan si ka fiirsi leh culimada, sharci-yaqaannada, aqoonyahanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ka hor inta aan lagu socodsiin ama lagu dhaqan gelin ummadda Soomaaliyeed. Markaasna caddeeyaan mowqifka ay ka taagan yihiin.
Taas oo jirta ayaa haddana durbadiiba indhuhu qabayaan Qodobka 95aad oo ku saabsan Shuruudaha qofka Madaxweyne u noqonaya Soomaaliya, qodobkaasi waxa uu dhigayaa sidan:
■Waxaa loo dooran karaa xilka madaxweynaha muwaaddinkasta oo soomaaliyeed oo ay da’diisu gaareyso 40 sano, lehna sumacad sare, waayo aragnimo iyo heer aqoon oo ku haboon hogaaminta xushmada qaranka.
Halkaas waxaa ka cad in shuruudahaas aysan ka mid ahayn: in uu Muslim yahay, in dhimmirkiisu dhan yahay ama in maankiisu fayaw yahay, in aan horey loogu xukumin dembi culus ama dambi ka gelin qaranka. Shuruudahaas oo sida aan hoos ku arki doonno ku qornaan jirey dastuuradii hore ee soo maray Soomaaliya, laakiin “Qabyo Qoraalka Dastuurkan cusub” shuruudahaas waa laga reebay.
Haddaba maadaama Guddiga “Madaxa Bannaan” ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in “Qabyo Qoraalka Dastuurka” uu yahay “la Tashi” la weydiinayo dadweynaha, waxaa muhiim ah in ay qodobkaas degdeg u saxaan ayagoo ugu yaraan tixraacaya waxyaabihii ku xusnaa dastuuradii hore ee Soomaaliya.
Haddii aan xusno qodobkaas ku saabsan Shuruudaha laga doonayo madaxweynaha Soomaaliya waxyaabihii ku qornaa dastuuradii hore waa kuwan:
Dastuurkii Soomaaliya ee 1960 lagu sameeyey Muqdisho, qodobkiisa 71aad:.
1.Muwaadin kasta oo Muslim ah, Aabihii iyo Hooyadiina ay labaduba yihiin muwaadiniin asal ah oo xaq u leh in uu cod dhiibto/bixiyo, da’diiso aysan ka yareen afartan iyo shan jir, waxuu mudnaan u yeelanayaa in uu noqdo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda. Qof lama dooran karo in kabadan laba xilli doorasho oo isku xiga.
2.Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ma qabi karo, mana guursan karo haweenay aan asal ahaan muwaadin Soomaali ahayn muddada uu xilka xafiiska hayo.
3.Muddada uu xilka xafiiska hayo, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda kama qayb geli karo shaqa kale ee guud ama dadwayne oo aan ka ahayn xaqa in uu wax doorto, kamana qayb qaadan karo wax meherad xirfadeed oo shaqo, ganacsi, hawl warshadeed ama dhaqaale ah.
Dastuurkii DKMG ee 2000 lagu soo sameeyey Jabuuti, qodobkiisa 23aad:
Madaxweynaha waxaa cod qarsoodi ah ku dooranaya xubnaha golaha shacabka. Qof kasta oo buuxiya shuruudaha hoos ku qoran ayaa loo dooran karaa jagadaas:
1.Waa inuu yahay muslim ku dhaqma diinta, labadiisa waalid yihiin Somali dhalad ah; horena uusan u guursan, haddana qabin oori ajnabi ah.
2.Waa in uu yahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliya, da’diisuna ka yarayn 40 sano.
3.Waa in maankiisu fayaw yahay, dambina ka gelin qaranka.
4.Waa inuusan qaban masuuliyad xafiiseed ama ganacsi oo abuuri karta iska hor imaad danahiisa iyo kuwa qaranka.
5.Waa in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo ku filan.
Dastuurka DFKMG ee 2003 lagu soo sameeyey Kenya, qodobkiisa 40aad:
1. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu isu sharaxo jagada madaxweynaha haddii uu buuxiyo shuruudaha soo socda:
■a) Inuu/inay yahay/tahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliyeed..
■b) Da’diisu ka yareyn afartan (40) sanno..
■c) Inuu/inay yahay/tahay Muslim kuna dhaqma/dhaqanta waalidiintiisuna/waalidiinteeduna yihiin muwaadin Soomaaliyeed..
■d) Shisheeye qabin, inta xilka uu/ay hayana/haysana guursan shisheeye..
■e) Dhimmirkiisu dhan yahay, horeyna aan loogu xukumin dembi culus..
■f) Leh akhlaaq wanaagsan..
■g) Leh karti, xilgudasho iyo waayo aragnimo uu ku gudan karo waajibaadka Madaxtinimada..
Halkaas waxaa ka cad in shuruudo waafi ah ay hor oolaayeen qofka madaxweyne ka noqonaya qaranka Soomaaliya sida: in uu Muslim yahay, dhimmirkiisu dhan yahay, maankiisu fayaw yahay, aan horey loogu xukumin dembi culus, dambi ka gelin qaranka, karti leh, xilgudasho, aan qabin ajnabi, uusan ahayn danayste, iwm.
Haddaba aan mar kale is xasuusino waxa uu arrintaas ka yiri “Qabyo Qoraalka Dastuurka” cusub ee la doonayo in 2010 loogu sameeyo Jabuuti, qodobkiisa 95aad:
Qodobka 95aad-Shuruudaha Madaxweynaha.
■Waxaa loo dooran karaa xilka madaxweynaha muwaaddinkasta oo soomaaliyeed oo ay da’diisu gaareyso 40 sano, lehna sumacad sare, waayo aragnimo iyo heer aqoon oo ku haboon hogaaminta xushmada qaranka.
Arrintaas (shuruudaha laga doonayo madaxweynaha) waxaa muhiim ah in si degdeg ah loo xasuusiyo Guddiga “Madaxa Bannaan” ee Dastuurka in ay ku daraan waxa ka dhiman ama saxaan am aka laabtaan qodobkaas. Sida ay u saxeen qodobkii ku saabsanaa diinta dalka, kaas oo hordhacii ay soo saareen bishii May 2010 ku qoreen “Islam is the official religion of the State“, balse hadda (August 2010) ay qodobkaas bedeleen kana dhigeen “Islam is the religion of the Somali Republic” sida ku cad qodobka 2aad ee Qabyo Qoraalka Dastuurka cusub. Inkasta oo tarjumada Af-Soomaaligu ee qodobkaas ay u baahan tahay sixid waayo waxaa ku qoran “Islaamku waa Diinta Dawladda.” Halkii laga dhehi lahaa “Islaamku waa Diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya” ama “Islaamku waa Diinta dalka.” Waa hadal macne ahaan asalka ku kala duwan ama sii kala xeel dheer.
Waxaa xusid mudan in ay qodobkaas 2aad, farqaddiisa 2aad ee “Qabyo Qoraalka Dastuurka” uu adkeynayo diinta Islaamka, waxaana ku xusan “Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka,” taas oo ay guddiga “madaxa bannaan” hawshoodii ama xilkoodii gudanayeeen. Sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay in farqadda 1aad ee qodobkaas 2aad la saxo. Haddii la saxi waayona uusan Soomaaliya aan “dasrtuurkaas” lagu dhaqan gelin, oo la qaadaco.
Qodobka 2aad ee Qabyo Qoraalka Dastuurka cusub oo ku saabsan Dalka iyo Diinta waa kan (English iyo AfSoomaaliga isu eeg)
Article 2. State and religion.
■(1) Islam is the religion of the Somali Republic..
■(2) No religion other than Islam can be propagated in the Republic..
■(3) No law which is not compliant with the general principles and with Shari’ah can be enacted..
Qodobka 2aad: Dawladda iyo Diinta.
■(1) Islaamku waa Diinta Dawladda..
■(2) Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka..
■(3) Lama soo saari karo sharci aan waafaqsanayn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiddeeda (ujeeddooyinkeeda)..
Waxaa halkaas ka cad in qodobka 2aad laga soo qaatay dastuuradii hore ee Soomaaliya oo la soo jamciyey ama la isu keenay. Haddii aan is xasuusino waxyaabihii qodobkaas ay ka yiraahdeen dastuuradii hore waa kuwan:
Dastuurkii (1960) qodobkiisa 1aad, farqadda 3aad waxa uu dhigayaa:
■Diinta Islaamka ayaa noqonaysa Diinta qura ee Dalka.
Dastuurkii (2000) qodobkiisa 2aad, farqadda 2aad waxa uu dhigayaa:
■Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka
Dastuurkii DFKMG (2003) Qodobka 8aad, waxa uu dhigayaa:.
■1. Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya..
■2. Shareecada Islaamka ayaa saldhig u ah shuruucda qaranka..
Haddaba; Maadaama Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu yahay astaanta qaranka iyo hoggaaminaya xushmadda qaranka, waxaa markaas muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ee Mulimka ah qofka Madaxweyne u noqonayo uu buuxiyo shuruudo ay ugu horayso: in uu Muslim yahay, iyo dabcan in dhimmirkiisu dhan yahay oo aanu dambi ka gelin qaranka, oo aanu ka qayb qaadan xasuuqii ka dhacay d.
alka 22-kii sano ee ugu dambeeyey, iwm. Sidaas oo kale waa shuruudahaas oo kale ay buuxiyaan Ra’iisul Wasaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku. Taas weeye in ay ku baraarugaan Guddiga “Madaxa Bannaan” ee Dastuurka u samaynaya Soomaaliya.
Sida uu dhigayo qodobka 174aad oo ku saabsan dhaqangelinta dastuurka “Dastuurku wuxuu dhaqan-gelayaa 90 maalmood kaddib markii lagu ansixiyey Afti Dadweyne” ama haddii si kale loo dhigo Dastuurkani ma dhaqan gelayo haddii aan dadweynuhu aqbalin.
Gabagabadii shaacabka Soomaaliyeed waxay is weydiinayaan “xaggee kudambeeyey xeerkii uu baalamaanka DFKMG ku ansixiyey in dalka Soomaaliya lagu dhaqo Shareecada Islaamka, mase waxa uu ahaa awr ku kicin.”
.
xigasho mahadnaq mudan SomaliTalk,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|