|

Shalay wixii ka dhacay Hotel Muno ma ahayn wax ay eed ku lahaayeen kuwii falka geystey iyo Alshabaab toona, ee waxaa eeda si rasmi ah dusha ugu ridanaya DKMG ah oo haadka u tuurtey hilbaha xildhibaanadii asaaska u ahaa jiritaankeeda , 555 rag iyo dumar Soomaali ah oo dhibane u ah xil magac kaliya ah kuwaasoo dhamaantood ku xukuman dil.
Iyadoo waayo-aragnimo laga heystey dhibaatadii Shaamoow, tii Baladweyne, iyo dhacdooyin kale oo baddan oo ay xitaa ka mid tahay dhacdo isla hoteelkani hortiisa lagu toogtey nin agaasime ka ahaa wasaarada Qoyska ayaanan hadane marnaba xil baddan la’iska saarin illaalinta amaanka xildhibaanada.
Illaalinta amaanka madaxda DKMG ah kaliya looma xilsaarin ciidamo badan ee sidoo kale xitaa lagu qarashgareeyey lacag aad u badan, dhowr ka mid ah madaxda waxay ku socdaan baabuur xabbada aysan karin oo laga bixiyey $150 kun oo doolar midkiiba kuwaasoo laga soo iibiyey dalka Koonfur Afrika, mid ka mid ah baabuurtaasi waxaa ku socda gudoomiyaha Baarlamaanka oo dhawaan isla xildhibaanada la laayay ay cod aqlabiyad ah xilka ugu doorteen.
Hoteelka ay degenyihiin xildhibaanada sidaasi u tirro badan waxaa taagnaa 2 illaalo oo kaliya, kuwaasoo qudhooda maahsanaa oo aan ahayn kuwa feejigan, waxay ahayd meeshaasoo kale in ay jiraan illaalo fuushan meel sare oo ka baxsan hotelka kuwaasoo si degdeg ah ku toogan kara cid kasta oo loo arko in ay halis ku tahay amaanka.
Raggii weerarka ka fuliyey Hotel Muno waxay heleen waqti ku fillan oo ay ugu dhaadhacaan qolalka ay xildhibaanada jiifeen taasina waxaa ugu wacan ma jirin cid ka hortagtey.
Maanta gudoomiye ku xigeenkii hore Cusmaan Cilmi Boqore oo hadlay wuxuu sheegey in dayacaad dhanka dowlada ka timid ay ugu wacantahay dhibaatada dhacday ee lagu laayay xildhibaanada baddan. Wuxuu odorosey in dhacdooyin kale oo taasi la mid ah ay soo socdaan.
Sidoo kale xildhibaankii ugu horeeyey ayaa xilka iska tiriyey arrintani darteed, Cali Ganeey oo ku sugan Sweden wuxuu sheegey in dowlada ay ku guuldaraysatay sugista amaanka xildhibaanada, balse ay kaliya sugeyso amaanka madaxda. Wuxuu ku mahadinayaa baasaboorkiisa shisheeye iyo degenaanshaha uu ka heley Sweden, waxaa jira kuwa aanan aqoonin meel ay aadaan.
Haatan moowduuca dooda taagan ma ahan tirada badan ee xildhibaanada, tayadooda aqoon iyo karti, waxqabadka ay u hayaan dalka iyo dhibaatada ay ku hayaan, ee waxay taagantahay “sidee ayay lafahooda u badbaadinayaan?”, waxaa haatan iska cad in baarlamaanku yahay kiyaaweyaal ay shaqsiyaad gaar ah ku adeegtaan, kaliyana lasoo xasuusto marka laga doonayo codkooda.
Waxaa usii dheer mushaar la’aan, iyo go’doomin reerahooda ay kasoo maqanyihiin, waxay dhibanayaal u yihiin damacooda xildoonimo iyagoo reerahoodii qurbaha joogey soo dayacay si ay xil magac aan dhaafsiisanayn uga helaan DKMG ah.
Wali xildhibaano badan ayaa Xamar ka maqan sababtuna tahay amaan darada ka jirta, walloow gudoomiyaha cusub uu ku hanjabay dhawaan in xildhibaankii imaan waayo xilkiisa uu weeynayo, kuwa maqan waxay haatan doorbidayaan in ay xilkooda waayaan halkii ay naftooda waayi lahaayeen, mar haddii waxa uu Shariif Xassan ugu yeerayo ay yihiin wixii shalay Hotel Muno ka dhacay.
Arrinku wuxuu yahay “imisa kale oo weerar ayaa soo socda oo lagu leyn doonaan xildhibaano kale?”, laakiin taasi ma ahan mid walwal galineysa DKMG ah sababtoo ah markasta waxaa diyaar ah dad doonaya in ay badalaan booska kuwa dhintey, waxaanaba laga yaabaa in qaarkood ay dhererayaan inta uu ka dhimanayo qofka ay badali lahaayeen.
Alshabaab gaalo ayay u taqaanaa xildhibaanada iyo cid allaale cidii dowladani ka tirsan, dhacdadii shalayna waxay u ahayd guul weyn oo usoo hoyatay, xarakada kale ee Xisbul Islaam iyana kama foga oo mar shalay Xassan Daahir Aweys la weeydiiyey aragtidiisa wuxuu ku jawaabay “Jabkooda waan ku farxaynaa”.
Si la mid ah DKMG ah haddii ay maanta heli karto in ay gaas iyo taraq ku gubto madaxda iyo ciidamada xarakooyinkaasi, waxay u ahaan lahayd guusha ugu weyn ee usoo hoyata, subaxa xigana Shariif Sheekh Axmed ayaa New York inta u duulo lagu soo dhaweyn lahaa 21 madfac iyo dabaaldeg kii ugu weynaa.
Halkaasi waxaa kaaga soo baxaya rajo la’aanta ka jirta in uu yimaado xal aan xoog iyo xabbad ahayn, iyo sida aysan usoo muuqan inaba ha yaraatee wa nabbad ah, waxaa dadkani ku hoos dhamaanaya shacabka oo aaban wax fikir ah ka heysan waxaa la’isku hayo.
Tusaale usoo qaado ilmihii 11 jirka ee kabo-caseeyaha ahaa ee shalay lagu dilley Hotel Muno, ma kula tahay in uu xitaa fahamsanyahay xigmada ka dambeysa in qof nool uu isaga isku qarxiyo? Waxaa laga yaabaa in uu kasoo kalahay reerkooda oo aanan subaxaasi dab laga shidin, dhowrka kun ee uu ka helo xildhibaanada uu kabaha u caseeyo ayuu hooyadiis u geeynayaa si waryaa-waryaa ugu soo iibiso oo loogu koosaaro burka soorta ah ee habeenkaasi karsan lahaayeen, Hotel Muno wuxuu u doortey waxay tahay in magaalada inteeda kale aysanba jirn cid kabo kacaysata, sababtuna waxay tahay dadku dacas ayay wada gashanyihiin mana awoodaan in ay kabob kooyi ah iibsadaan.
Kuwa la laayay iyo kuwa ka badbaaday ee subax kasta wiilkaasi uu kabaha u casaynayay, ilmaha ay iyagu dhaleen ee isaga da’diisa ee Yurub iyo Canada ku nool waxay xiligaasi ka xaadirayeen fasal waxbarasho, boorsadana waxaa ugu jira findhicil ay ilkaha kaga faraan raashiinkii ay saakat soo cuneen halka caseeyahani ay heyso gaajadii uu saakay kusoo toosey. Ma kula tahay in midkood uu isku dayay in uu fahmo dhibaatada ilmahaasi heeysata? Ama isku dayay in uu wax u qabto?.
Shalay Cumar Cabdirashiid Ra’isulwasaaraha DKMG ah oo BBC-da waraysatay wuxuu yiri “Alshabaab waxay isticmaaleysaa caruurtii dugsi qur’aanka ee gobolada laga soo afduubey”, hagaag, Cumar waxay tahay in uu fahmo in 11 jirkaasi xildhibaanada caseeyaha u ahaa ay ahayd in uu fasal ku jiro isagana ay taasi xilkiisa tahay haddii uu doonayo in uu ka hortago 11 jir bambaanooyin lagu soo rakibey oo isku qarxiyo isaga maalinka xigta ee weerar ismiidaamin ah loosoo maleego.
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|