|

Dagaal beeleedyo gaystay qasaaro isugu jira dhimahso iyo dhawac ayaa shalay waxaa uu ka dhacay tuulada Baraag ciise ee hoos tagta degmada bacaadweyn.
Goob jooge ku sugnaa tuulada Baraag Ciise, ayaa shabakadda Cowslafil u sheegay sida uu Iska horimaadka ku bilaawday wuxuuna yiri.
Maleeshiya ka tirsan beesha Saleemaal ayaa kufsaday gabar yar oo ku sugneyd tuulaada Baraag ciise iyadoo la joogtay ari, kufsigaas iyo qeylo dhaanta gabadha ayaa ku soo baxay rag ka tirsan beesha QUBEYS isla markiina ka daba tegay ragga kufsigaas ku kacay oo ay tiradooda ahayd laba nin isla goobtiina ku dilay ,walaal sidaa ayuu ku billowday dagaal.
Hadaba waxaa is waydiin leh iyadoo lagu jiro bishii barakeysneyd ee Ramadaan in maleeshiyadaas faxshi aan horay loogu arag dhaqanka Soomaalida iyo midka Islaamka toona ay kula kacaan kufsi arxan darro ah gabar yar.
Si kastaba waxaa muhiim ah in Beesha Qubeys si deg deg ah ula timaado qorshooyin iyo ficil ay ku soo afjareyso dulqaadka faraha badan ay muujiyeen.
Waxaa qofkasta oo soomaali ah la gudboon in uu dib u eego taariikhda iyo mabaadii'da beesha Qubeys, beesha Qubeys waa ummad nabadeed oo ay waligood ka go'anayd nabad kula noolashaha, xaqdhowrka derisnimada ummada Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka diinta Islaamka. Laguma hayo taariikhda dagaal gardarro ah oo ay beesha Qubeys beel kale oo Soomaaliyeed ku qaadeen. Waxaan sidaas oo kale taariikhda ku cad in aanay waligood sharuud ku xirin nabada iyo in aanay balan ka bixin. Intaas oo dhan waxaa dheer in beesha Qubeys ka sariigto inuu ku kaco falalka waxashnimada ah oo ay ku kaceen beesha Saleemaal ee ah dilka,dhaca,kufsiga, afduubka iwm.
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|