Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) Maxamed Xaaji Barre (Fiyoore) ayaa maanta ka soo degay garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, ka dib markii uu socdaal shaqo iyo mid caafimaaadba ku tegay magaalada London ee cariga Ingiiriiska.
Guddoomiyaha oo garoonka dayuuradaha ee Muqdisho ay si diiran ugu soo dhoweeyeen mas'uuliyiin sare oo ka tirsan NUSOJ oo uu horkacayey xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ, isla markaana ah Guddoomiyaha ASOJ Daahir Cabdulle Calasow (Daahir yare) iyo xubno kale oo ka kala socday qeybaha kala gedisan ee warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa'id oo ku qabtay guddoomiyuhu garoonka dayuuradaha waxa uu faahfaahin kaga bixiyey ujeedada safarkii uu ku tegay London oo u sheegay in arimo shaqo iyo kuwo caafimaadba ay la xiriirtay.
“Muqdisho kuma imaanin booqasho ee waa xafiiskeygii shaqada iyo gurigeygii, waxaana ujeeddooyinka ugu waaweyn ee soo dedejiyey dib ugu so laabashadeyda ka mid ah anigoo doonaya inaan dadka uga digo kuwo shaar suxufinimo xiran oo doonaya iney sawir qaldan ka bixiyaan kacdoonka ka dhacay magaalaadan Muqdisho iyagoo u adeegaya cadowga umadda” ayuu yiri Fiyoore oo intaa ku daray in xubnahaasi ay ku caanbaxeen iney saxaafada siiyaan warar sawir qaldan ka bixinaya golaha maxkamadaha.
“Waxay faafiyeen in kacdoonka shacabka ee ka dhacay Muqdisho uu yahay mid dhibaato ku ah saxaafada, maxkamaduhuna Kansar ku yihiin xoriyada saxaafada ka howlgasha magaaladan Muqdisho, iyagoo u shaqeeya dad shisheeye ah oo aan dooneyn, kana soo horjeeda maslaxada umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri fiyoore oo sidoo kale xusay in xubnahani aysan aheyn markii ugu horeysay ee ay ku been abuurtaan maxkamadaha iyo kacdoonka ka dhacay Xamar oo isla markaana ay hadda ka hor faafiyeen warar been abuur ah oo ay ku sheegeen in xafiiska NUSOJ ee magaalaada Muqdisho ay soo weerareen ciidamada maxkamadaha, taasoo sida uu hadalka u dhigay beenowday, mas'uuliyiintii xafiiska ee Muqdishana oo isagu uu ka mid yahayna ay horeyba u beeniyeen.
“Dibindaabyada noocaasoo kale ah, waxaa shacabka la daba taagan waa shaqsi la yiraadhdo Cumar Faaruuq iyo isaga ka hoos qaraabta oo sheegta inuu yahay xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed, hase ahaatee xilka laga qaaday, ka dib markii magaca saxaafadeed ee uu huwanaa uu u adeegsaday arrimo guracan oo lidi ku ah maslaxada shacabka Soomaaliyeed, isagoo eeganaya danahiisa u gaarka ah” ayuu yiri Fiyoore oo sheegay in ninkaasi uu haatanba ku sugan yahay magaaladan Muqdisho, isla markaana uu yahay shaqsiga sida qaldan wakaaladaha Wararka ee caalamka u siiyey in maxkamaduhu ay sharci 13 qodob ka kooban oo caburinaya saxaafada Soomaaliyeed soo saareen.
Guddoomiyaha ururka suxufiyinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Xaaji Barre (Fiyoore) ayaa ugu dambeyntii cambaareeyey xariga dowladda federaalka ay magaalada Baydhabo ugu geysatay weriyeyaal Soomaaliyeed oo ka howlgala Idaacadaha Hornafrik iyo Shabeelle oo fadhigoodu yahay magaaladan Muqdisho, isagoo ugu baaqay mas'uuliyiinta sare ee dowladda federaalka in weriyeyaashaasi si shuruud la'aan loo sii daayo, loona fasaxo hawlaha baaxada leh ee ay bulshada u hayaan xiligan adag.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Ninkii reer Thailand ee loo heystay 3-da Nin ee ku xiran Magaalada bankok madaxooda ayaa shuruud cusub lagu xiray...
October 30- 2006 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 
Afhayeen u hadlay kooxo dabley ah oo dhowaan ka qafaashay hotel ku yaala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari nin u dhashay wadanka Thailand oo lagu magacaabo Sumanat Donut ayaa faah faahin ka bixiyay markii ugu horeysay ujeedada ay u qafaasheen ninkan ajnabiga ah isla markaana ay weli u heystaan. Afhayeenka oo magaciisa la yiraahdo C/qaadir Cali Cilmi oo dhambaal gaar ah soo gaarsiiyay boggan ayaa xusay in ujeedada ay ninkan u qafaasheen ay tahay saddex nin oo ay ehel yihiin oo ku xiran Bankok/Thailand una xiran muddo 20 bilood ah dowladda Thainland isla markaana ay muddo badan ka daba wareegayeen oo ay ka codsadeen in loo sii daayo nimankan oo aan wax cadaalad ah la hor keenin intii ay ku xirnaayeen xasbiga, sida uu hadalka u dhigay, isagoo magacyadoodana ku kala sheegay Yuusuf Aadan Seed, Maxamud C/llaahi Jaamac, iyo Xuseen C/llaahi Aadan isagoo sidoo kalena soo bandhigay shuruudaha ay ku sii deynayaan ninkan Thailandes-ka ah.
Sidoo kale, afhayeenka ayaa tibaaxay in nimanka saddexda ah oo ay qaraabada yihiin ay ka tirsanaan jireen ciidanka illaalada xeebaha ee maamulka Puntland isla markaana ay la shaqeynayeen shirkad lagu magacaabo SOMCAN oo iyadu ay ku eedeynayaan inay u gacan gelisay dowladda Thailand, iyadoo ninkan ay haatan gacanta ku hayaana uu yahay mas'uul sare oo ka tirsan shirkadda SOMCAN, sida ay yiraahdeen.
“Waxaan mudo kabadan 20 bilood ku dadaalaynay anagoo xasiloonida ilaalinayna inaan wadahadal wax ku raadino oo si nabad galyo ah ragaas lagu sii daayo arintaas darteedna waxaan xiriir la samaynay Dawlada Federaalka Somaaliya iyo maamulka Puntland, labadaba iyo wax garadka Puntland waxayna ku guul daraysteen inay arintaas wax ka qabtaan arintaas markasta waxaa hor taagbnaa cidii sababtay falkaas iyo Dawlada Thailand oo dhagaha ka furaysatay dadaaladii la sameeyay” ayuu yiri afhayeenka oo intaasi ku daray.
“Markii wadahal ay wax ku socon waayeen ragiina lagu xukumay mudo kabadan 10 sano xarig ah iyagoon waxba galabsan waxaan is tusnay inaysan jirin wax la dhawrto oo dambe kadibna waxaan go'aan sanay inaan qaadno tilaabo kasta oo nala gudboon oo aan ragaas ku soo deyn karno waana sii wadaynaa ilaa wakhtiga ugu dambeeya”.
Ugu dambeyntiina kooxdan oo isku magacowday Puntland Tigers ayaa soo bandhigtay shuruudahooda ku aadan sii deysmada ninkan u dhashay wadanka Thailand, una qafaalan iyaga, waana kuwan qodobada.
Ujeedada aan uhaysano waxay tahay qodobadaan soo socda
sadexdii nin oo sida sharci darada ah oo tuugada ah loola tagay in la siidaayo shuruud la'aan
In magdhaw laga bixiyo xadgudubka loo gaystay Jirkooda, Mooralkooda, Caafimaadkooda iyo Xoriyadooda.
Xoriyadooda 20 bilood wixii loo gaystay
Ubad koodii iyo Xaasaskoodii iyo ehelkoada dhibaatadada soo gaartay oo wal wal iyo masuuliyadii ay u hayeen oo luntay.
Dhuumashada lala dhuuntay oo lagala dhuuntay wadankoodi iyo xatooyadii loo gaystay lana geeyay wadan aan wadan koodii ahayn kana fog.
Qarinta la qariyay markii wadankaas la geeyay si aan loogaba war helin meel ay ku sugan yihin.
Xukun Cadaalad daraa oo la xukumay iyagoon wax cadayn iyo markhaatiyaal ah loo hayn loona daliishaday kuwii xiray waxay ku hadleen.
Iyaga oo loola dhaqmay si aan bini aadamka loola dhaqmin kana baxsan xeerka caaligaa.
Iyaga oo lagu shaqeeyo maalintii mudo kabadan 9 saac laguna qodo godad waxay cunaana aan la siin ee ay gaajo ku shaqeeyaan.
Ugu dambayn tii waxaa laysku darsaday hantidii umada Soomaaliyeed sida khayraadka badda iyo dadkayagii arrimahaas oo dhamaantood ka baxsan xeerka caalamigaa anagoo ugu baaqayna inay isaga baxaan wadankayaga.
In naloo soo celiyo kharashka iyo wakhti dhumiska mudada dheer nagu socday ilaa hadana nagu socda.
Si khaldan baad noo qaymayseen hadaadse nabaran doontaan hadii aydaan u hogaansamin waxaanu idin leenahay.
Puntland Tigers
Afhayeenka Ehelada Wiilasha ku xiran Bankok (Puntland Tigers) C/qaadir Cali Cilmi
Tell: 00-2525-441274/2525-727616/2525-766166
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com |