|
Barwaaqo “waxaan
kaalmo ka rabaa qofkii wiikeyga caafimaadkiisa wax igala qabankaraya
ee dibada looga soo daaweynlahaa”
Aabaha dhaley Wiil yar oo da’diisa ay tahey ilaa
12 Sano isla markaasna xanuunsanaa 9 Sanadood ayaa waxaa uu
dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah ka codsanayaa in ay wax
kala qabtaan xaanuunka wiilkiisa.

Cabdullaahi cali Guuleed ( Barwaaqo) oo ah Aabaha dhaley
Cabdiraxmaan oo 11 jir ah ayaa waxaa uu si murugo leh uga quustey
in wiilkiisa dalka gudahiisa wax looga qabto isla markaasna
waxaa uu sheegay in meel uusan la tagin ee dhaqtar muqdisho
fadhiyaa aysan jirin.

“Waxaan markii ugu horeysey oo 9 sano laga joogo
u geeyey DR Ibraahin dasuqi kaas oo igu yiri wiilkaan waxba
loogama qabna karo dalka gudahiisa ee banaanka wax halooga radiyo
ka dibna waxaan geeyey Mount Sinai oo uu Fariisto PROF Xildhibaan
Cismaan Dufle oo isna sidii oo kale ku raacey in dalka aan waxba
looga qaban ka rin waxana ay waraaqo cadeynaya ii soo siyen
hadiiba lagu qaado Xitaa waxaan geeyey Isbitaalka caruurta ee
SOS Muqdisho” ayuu yiri Aabe cabdullahi cali Guuleed (Barwaaqo)

Waxaa kale oo uu shegay in uu geeyey isbitaalka xasan
jiis iyo isbitaalka Madiina iyo waliba midka Keyd saney iyo
dayniile oo si kala gooni gooniya uu u geeyey sida uu xaqiijiyey
aabaha dhaley wiilka ka xanuunsan wadnaha ee neefsiga uu dhibayo
ilaa intii uu dhasheyba .

Ugu danbeyntiina waxaa baahidiisa u soo bandhigayaa
Bulshada Soomaliyeed ee muslimiintaa ah,waana Baahida xanuun
ee wiilkiisa wadnaha ka xanuunsan hadii ay noqon laheyd mid
cafimaad ee dibada loogu qaado iyo mid dhaqaale ee uu ku soo
daweeyo intaba waxaana halkan uu ku cadeynaynaa waraaqihii ay
dhaqaatiirta soo qoreen oo lagu soo turjumay
English taas oo ay soo kala qoreen DR
Dasuqi iyo PROF Dufle.
Waxaa lagala soo xiriiri karaa
Aabe Cabdullaahi Cali Guuleed (Barwaaqo)
E-mai barwaaqo114@hotmail.com
Tel: 227106 Muqdisho Somaliya |